Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland Oo Ka Hadashay Kufsiga


Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in aanay mar dambe dhici doonin in kiisaska kufsiga ah lagu xalliyo hab dhaqameed.

Iyadoo maanta dunida laga billaabay ololaha ka dhanka ah tacaddiyada loo geysto dadka nugul iyo haweenka, ayaa xukuumadda Somaliland waxa ay go’aan adag ka qaadaty kufsiga.

Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in aanay mar dambe dhici doonin in kiisaska kufsiga ah lagu xalliyo hab dhaqameed salka ku haya waanwaan sida caadada.

Wasiirka wasaaradda qoyska iyo arrimaha bulshada Somaliland Cali Maxamuud Axmed oo ololahan kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan ay samaynayaan siyaasado iyo shuruucda dadka naafada ah, iyo kuwa mamnuucaya kufsiga haweenka.

Wasiirka oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa kadib, waxa uu u waramay weriyaha VOA Barkhad Kaariye, waxaanu ugu horrayn uu ka hadlayaa waxa uu ku saabsan yahay ololahan.

Wareysi: Cali Maxamuud Axmed
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:38 0:00

XS
SM
MD
LG