Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey Oo Diyaarad Kasoo Riday Ruushka


Monkeys hug amid snow at Huaguo mountain in Lianyungang, Jiangsu province, China.
Monkeys hug amid snow at Huaguo mountain in Lianyungang, Jiangsu province, China.

Saraakiisha milatariga Turkiga ayaa sheegay in diyaaradda Ruushka ay kusoo xadgudubtay hawada dalkooda.

Russia ayaa Talaadada sheegtay in diyaarad dagaal oo ay leedahay, nooceeduna yahay Su-24 lagu soo riday xadka u dhaxeeya Turkey iyo Syria, ayna ka dambeysay gantaal dhulka laga soo tuuray.

Saraakiisha milatariga Turkiga ayaa, si kastaba, sheegay in diyaarad ay lee yihiin oo ah F-16 ay soo ridday diyaaradda Ruushka kadib markii ay kusoo xadgudubtay hawada dalkooda, ayna iska indha tirtay digniino la siiyey oo ahayd inay ka baxdo.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradda aysan maranaba ka bixin xududda Syria. Russia waxa ay sidoo kale sheegtay in duuliyayaashii diyaaradda ay ka baxeen ka hor inta aysan dhicin, balse lama oga xaaladooda. Video laga helay goobta shilka uu ka dhacay ayaa muujinayey laba duuliye oo baarashuut ku degaya.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay inaysan xaqiijin karin diyaaradda lasoo riday, balse ay si dhow isha ugu hayaan arrintan.

Saraakiisha Turkiga ayaa dhowr mar oo hore uga digay Russia in diyaaradaheeda duqeymaha ka wada Syria ay kusoo xadgudbeen hawada Turkiga.

XS
SM
MD
LG