Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharmaarke Oo Xilka Ka Qaaday Laba Wasiir


Ra'iisul wasaare Sharmaarke
Ra'iisul wasaare Sharmaarke

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xil qaadis ku sameeyey labo wasiir oo ka tirsan golaha wasiirradiisa.

Ra’iisul wasaare Sharmarke ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumaddiisa Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan kuna beddelay Cabdirashiid Maxamed Axmed oo xilkaasi la wareegi doona

Sidoo kale ra’iisul wasaare Sharmarke ayaa xilkii la qaaday wasiirkii koronta iyo biyaha Maxamed Xasan Aadan Shaahiyow ee xukuumaddiisa isagoo xilkaasi u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ee xilkaasi la wareegi doono

Isku shaandheynta uu sameeyey ra’iisul wasaare Sharmarke ayaa ku kooban labadaasi wasiir oo keliya.

XS
SM
MD
LG