Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Xukuntay Wariye Jason Rezaian


Dawladda Iran ayaa sheegtay Axaddii shalay in warfidiyeenkii wargeyska Washington Post, Jason Rezaian oo ah Irani haysta dhalashda Maraykanka, ay ku xukuntay xabsi aan mudadiisa la cayimin, ka dib dambi lagu helay bishii hore, kaas oo ahaa falal basaasnimo.

Ghulaam Xuseen Muxsini Ejehi oo ah afhayeenka garsoorka Iran ayaa xukunka ka shaaciyey barta uu telefishanka qaraka ee Iran internetka ku leeyahay. Mr. Ejehi ayaa sheegay in go’aanku uuna kama dambeys ahayn. Ma uuna sheegin mudadu inta ay le’ekaanayso.

Qareenka Mr. Rezaian Leila Ahsan ayaa sheegtay in aanan iyada lagu wargalin xukunka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ugu yeertay dawladda Iran in ay xukunkan joojiso, isla markaana soo deyso Jason, si uu qoyskiisa ugu soo noqdo.

XS
SM
MD
LG