Isku xirrada

Obama: Ururka Daacish Waa La Burburin Doonaa


Madaxweyne Obama ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda dalka Malaysia, oo uu kaga qeybgalay shirka dalalka ku yaalla Koonfur-bari Aasiya.

Obama ayaa sheegay in la burburiyey goobaha dagaalka ay uu ka soo qaadi jiray ururka Daacish, dibna looga qabsan doono dhulka uu hadda ku suganyahay, lana jari doono illaha uu dhaqaaluhu ka soo galo, gacanta lagu soo dhigo doono hoggaanka ururkaasi, guud ahaan ururkana la burburin doona.

Obama ayaa sheegay in aysan meesha cabsi oolin, awooddii uu markii hore ururka Daacish lahaana ay hadda dhammaantay, waxa ugu wanaagsan ee lagula dagaallami karo ay tahay in aan laga cabsan argagixisada oo dagaal lagalla hortago.

XS
SM
MD
LG