Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malaysia: Dagaalka Argagixisada ha Loo Midoobo


Ra’isul wasaaraha Malayshiya Najib Razak ayaa maanta oo Santi ah ugu baaqay hogaamiyeyaasha dalalka koonfurta Bari Asia inay u midoobaan qorshe ay wada jir ula agaalamaan xagjirnimada.

Isagoo furayay shir madaxeedka 27aad ee dalalka ku bahoobay ururka marka la soo gaabiyo la yirahdo ASEAN, ayaa Ra’isul Wasaaraha Maleeshiya oo uu dalkiisa shirkan martigelinayo, waxa uu sheegay inuu bedelay Khudbadi uu ugu talagalay inuu halkaa ka jeediyo, maadaama ay dhawaan qaraxyo iyo weeraro argagixiso ka dhaceen Faransiiska, Mali iyo meelo kale oo dunida ah.

Mr. Najim Razak ayaa sheegay in kuwa weeraradaa geystay aysan matalin cid iyo diin gaar ah, isla markaana ay tahay in aan loo ogolaan in laga dhageysto.

Waxa uu ku baaqay in awood dhameystiran ay dunidu kula dagaalanto.

XS
SM
MD
LG