Isku xirrada

Haile Gebrselassie oo Orodada ka Fadhiistay


Haile Gebrselassie Orodyahanka dalka Ethiopia ee haysta billadaha kale duwan ayaa maanta dalkiisa uga dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo tartanka orodada.

Gebrselassie ayaa bishii May mar uu ka qeybgalayay tartan orod oo ka dhacaya magaalada Machester ee UK wuxuu shegay inuu ciyaaraha ka fadhiisan doono.

Haile Gebrselassie wuxuu jabiyay 27 rikoor oo caalami ah, wuxuuna ku guuleystay tartanka olombika laba biladood oo dahab ah, wuxuuna sidoo kale ku guuleystay 6 biladood oo caalami ah.

Gebrselassie oo ah 42 jir ayaa isagoo ku sugan Addis Abbaba, wuxuu VOA u sheegay in qiimo weyn ay ugu fadhiyaan tartamadii uu ka qeybgalay, laakiin wuxuu sheegay in xusuus gaar ah ay ku reebtay guushiisii orodka 10-kun ee mitir ee tartankii Olombikada ee magaalada Sydney 2000.

Wuxuu yiri "Ma jiraan wax aan la barbar dhigi karo tartankii Sydney 2000, sida tartankaasi loo soo agaasimay iyo dhinac walba wuxuu ahaa midkii ugu qiimaha badnaa."

Gebrselassie ayaa ciyaaraha tartanka orodada ka fadhiisanaya kadib markii uu dalkiisa Ethiopia uga qeybgalay orodo caalami ah muddo kabadan 25 sano.

XS
SM
MD
LG