Isku xirrada

Afar Caruur Oo Sun Ugu Dhintay Muqdisho


Muqdisho

Muqdisho

Carrurtan oo ku noolaa xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid, ayaa waxa ay u geeriyoodeen sunta xoolaha la mariyo oo uu mariyey aabahood.

Afar caruur ah ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kadib markii si aan kula tal gal ahayn uu u sumeeyey aabahood, sida la sheegay.

Carrurtan oo ku noolaa xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid, ayaa waxa ay u geeriyoodeen sunta xoolaha la mariyo oo uu mariyey aabihii dhalay.

Caruurta ayaa la sheegay in nabarro cun cun badan leh ay kasoo baxeen, kadibna aabahood uu mariyey suntan, si uu uga daweeyo, isaga oo aaminsan inay ku bogsanayaan.

Afarta caruur ayaa la geeyey isbitaalka degmada Carafaat, si loogu daweeyo, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen.

Laba caruur oo kale oo la dhashay afartan caruur ayaa iyaguna la geeyey isbitaalkas, kuwaas oo sidoo kale aabahood uu mariyey suntan, waxaana lagu warramayaa in mid ka mid ah uu weli isbitaalka ku jiro, midna laga bixiyey.

Warkan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar.

XS
SM
MD
LG