Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abaaro Iyo Xanuuno Ka Jira God-Aalo, Sool


Laascaanood
Laascaanood

Guddoomiyaha God-Aalo ayaa VOA u sheegay in xanuunada iyo abaaraha ka jira dartood ay dad badan ka hayaameen deegaanka.

Waxgarad jooga deegaanka God-Aalo ee Gobolka Sool ayaa ka hadlay Xanuunno iyo abaaro ka jira deegaankaas oo 135 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Laascaanood.

Maxamuud Cabdi Ciise Biciid Fuul oo ah guddoomiyaha God-Aalo ayaa VOA u sheegay in xanuunada iyo abaaraha ka jira dartood ay dadka deegaankaas u hayaameen duleedka magaalada Laascaanood.

Sheekh Cabdilaahi Faarax oo xanuunkaas uu isaga naftiisa ku dhacay ayaa VOA-da u sharaxay xanuunkaas qaabka uu dadka ugu dhacayo, waxaana uu sheegay in uu saamayn xooggan ku yeeshay guud ahaan dadkii deegaanka God-Aalo deganaa.

Koox caafimaad oo ka socota hay’dda Bisha Cas ayaa gaaray deegaanka, waxaana ay sheegeen in ay gurmad u baahan yihiin dadka xanuunkan uu saameeyay, sida uu sheegay Siciid Kaahin Shire oo ka mid ah saraakiisha hay’adda Bisha Cas.

Cabdikariim Olol ayaa warbixintan nooga soo diray Laascaanood.​

Warbixin: Gobolka Sool
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:29 0:00

XS
SM
MD
LG