Isku xirrada

Maleeshiyadii Suldaan Wabar Oo Ku Biiray Ciidamada Somaliland


Boorama

Boorama

Guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa VOA u sheegay in maleeshiyadaasi lagu xareeyay xerada Goronyo Cawl ee gobolkaasi si loo qarameeyo.

Maleeshiyo ay tiradoodu dhan tahay ilaa iyo 57 oo la sheegay inay ka tirsanaayeen jabhad uu hoggaaminayay Suldaan Abuubakar Wabar oo marar dhowr ah carqalad ka geystay gudaha gobolka Awdal ayaa maanta ku biiray ciidamada Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ayaa VOA u sheegay in maleeshiyadaasi lagu xareeyay xerada Goronyo Cawl ee gobolkaasi si loo qarameeyo.

Isku dayo ah dhowr ah oo ay VOA-da sameysay si aan arrintan wax uga weydiino Suldaan Wabar, nooma suurta-gelin.

Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa ku warramay in xubno isaga uu hoggaaminayo ay maanta gaareen meel 25 KM u jirta magaalada Boorama, halkaasi oo maleeshiyada lasoo xareeyey ay ku sugnaayeen, kana dhaadhiciyeen in la qareemyo.

Guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa sheegay in maleeshiyada maanta kusoo biiray ciidamada Somaliland ay ahaayeen kuwii uga dambeeyey ee ka haray jabhadda Suldaan Wabar, taasi oo soo idleyneysa shaqaaqadii ka jirtay gobolka.

Caasho Ibrahim Aadan ayaa khadka taleefanka ee magaalada Boorama ku warreystay Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan.

XS
SM
MD
LG