Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Gaalkacyo


Gaalkacyo
Gaalkacyo

Saddex qof ayaa ku dhimatay toban kalana way ku dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyo hubeysan ay weerar ku qaaday xero ay ku suganyihiin ciidanka maamulka Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xarunta ciidanka lagu weeraray ayaa lagu sheegay in ay ahayd xarumihii hore ee wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka dowladdii dhexe oo Soomaliya oo uu maamulka Puntland dhawaan ka soo wareejiyey gacan ku haynta xaruntaasi in shacab ah oo in muddo ah haysey xaruntaas.

Dadka dhintay waxaa ku jiray wiil yar oo arday ah oo mareyey goobta uu dagaalku ku dhacay.

Taliye ku xigeenka qeybta booliska ee gobolka Galkacyo Cabdixakiin Xasan Xaashi (Gebi-gebi) ayaa warbaahinta u sheegay in xarunta uu dagaalku ka dhacay ay tahay hanti dowladeed oo ay dadkii laga saaray ku dacwoonayaan lahaansha dhulkaasi.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii maanta ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo ayaa la geeyey xarumaha caafimaadka ee magaaladaasi si loogu daaweeyo.

XS
SM
MD
LG