Isku xirrada

Shabeellada Dhexe: Amisom Oo Ka Baxday Fiidow


Deegaanka Fiidow ayaa waxaa iminka gacanta ku dhigay maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab, oo xiray qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamada Nabad illaalinta AMISOM ee ku sugnaa deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta deegaankaasi ka soo baxay, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Deegaankaasi, ayaa waxaa iminka lagu soo warramayaa in ay ku sugan yihiin oo ay gacanta ku dhigeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) oo ah guddoomiyaha degmada Mahadaay oo uu hoosyimaado deegaanka Fiidow, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Amisom ay ka baqeen fatahaadda webiga Shabeelle, sidaasna ay uga soo baxeen deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Shabaabkii qabsaday deegaanka ay kaxeysteen saddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka, halka dad bandanna ay kasoo carareen.

Cabdiraxmaan Xuseen Furre ayaa warreystay gudodomiye Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare).

XS
SM
MD
LG