Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kurdish-ka: ISIS Waan Ka Qabsanay Sinjar


Dagaalyahannada Kurdish-ka ayaa iska cabin yar un la kulmay markii ay howl-galkooda qabashada Sinjar billaabeen.

Madaxweynaha Kurdish-ka Massoud Barzani ayaa Jimcaha ku dhowaaqay in dagaalyahannada Kurdish-ka ay magaalada Sinjar ka qabsadeen kooxda Daacish oo haysatay muddo ka badan sanad.

“Waxaan halkan kaga dhowaaqayaa xoreynta Sinjar” ayuu Barzani ka sheegay shir jaraa’id, ayada oo dagaalyahannada Kurdish-ka ay calankooda ka taageen bartamaha magaalada.

Jihaadayaasha Daacish ayaa Sinjar ku dilay, islamarkaana ku addoonsaday kumannaan ka tirsan qowmiyadda Yazidi-ga ee laga tirada badan yahay, markii ay qabsadeen bishii August ee 2014-kii.

Isaga oo ka hadlayey dalka Tunisia ayaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry waxa uu si taxaddar leh u sheegay inuu ku kalsoon yahay in Sinjar la xoreyn doono maalmaha soo socda.

Dagaalyahannada Kurdish-ka ayaa iska cabin yar un la kulmay markii ay howl-galkooda qabashada Sinjar billaabeen, taasi oo muujineysa in mintidiinta Daacish ay ka baxeen magaalada ama ay diyaarinayaan dagaal cusub.

XS
SM
MD
LG