Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Dhex Maray Galmudug Iyo Shabaab


Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen fariisan ay ciidamada GALMUDUG lee yihiin.

Ciidamada maamulka GALMUDUG iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ku dagaallamay deegaanno hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisan ay ciidamada GALMUDUG ku lee yihiin deegaan lagu magacaabo Qosoltire oo hoos taga degmada Xarardheere.

Cabdulqaadir Xaaji Jaamac, oo ka mid ah saraakiisha GALMUDUG ayaa VOA u sheegay in Al-Shabaab ay bartooda kusoo weerareen, balse ay eriyeen kooxdii weerarkii soo qaadday, ayna ka dileen dhowr ka mid ah.

Cabdulqaadir waxa uu sheegtay inay dileen afar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, qaarna ay gacanta ku dhigeen, halka dhinacoodana ay ka dhaawacmeen laba askari.

Waxa uu beeniyey warar sheegaya in sarkaal ka mid ah ciidamada GALMUDUG lagu dilay dagaalka.

Ma jiraan war madax banaan ah oo laga heli karo oobta dagaalka uu ka dhacay, oo aysan ku sugneyn wax dadweyne ah.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo kasoo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Dagaalka Xarardheere
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:10 0:00

XS
SM
MD
LG