Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tedros: Somalia Dan Amni Ayaan U Joognaa


Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia waxa uu sheegay in ciidamada dalkiisa ee Somalia iyo Suudaanta Koonfureed ay halkaas u joogaan danaha ammaanka Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Tedros Adhanom ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee howlgallada Nabadeed u jooga Somalia iyo Suudaanta Koonfureed ay yihiin kuwo dalalkaa ku jooga rabitaanka shacabka Ethiopia iyo danaha ammaanka Ethiopia iyo kan gobolka.

Mr. Tedros ayaa waxa uu wareysi gaar ah siiyay Laanta af-amxaariga ee idaacadda VOA-da, wareysigaasi oo ay Wasiirka Arrimaha dibadda la yeelatay Tizita Belachew.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia waxa uu sheegay in dadka Ethiopia aysan dowladdooda ula shaqeyn oo kaliya in xuquuqda dad la mid ah oo meelo kale oo gobolka ah ku nool, balse waxey doonayaan buu yiri inay nabad ku nooladaan oo ay horumaraan.

“Ma suuragali laheyn inaan awood u yeelanno inaan caawinno dalalka deriska ah ee ay dhibaatada ka jirto – haddii shacabka Ethiopia uusan nagu taageersaneyn” ayuu yiri.

Mar wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia ayey wariyeheenna Tizita weydiisay waxa uu ula jeedo taageerada shacabka, waxa uu yiri “Tageerada shacabka waxey salka ku heysaa sidaan horey kuugu sheegay doonista nabad iyo horumar, dadka Ethiopia waxey doonayaan nabad gobolka ka islaaxda.Waxaana dadaaladeenna u kaashannaa beesha caalamka”.

Haddii buu yiri ay soo baxdo arrin halis ku ah amnigeena dadka ayaa inoo sheega inaguna waan ku tallaabsanaa sidii aan wax uga qaban laheyn.

Waxa uu yiri “Shacabka Ethiopia waxay la shaqeeyaan ciidamada Ethiopia , Maxaa yeelay ammaankooda ayaa walaac ku haya, tusaale kooxda Al-Shabab ee Somalia waxey weeraro ka fuliyaan dalal deris la ah Ethiopia, laakiin kuma dhacaan Ethiopia”.

Maxamed Colaad Xasan ayaa noo soo koobaya wareysiga wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00

XS
SM
MD
LG