Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Oo Booqanaya Jabuuti


Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha oo kasoo kicitamay dalka Uganda ayaa caawa ku hoyan doona dalka Jabuuti, inta uusan uga sii gudbin dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta duhurnimadi booqasho ku gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, isaga oo kasoo kicitimay dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan xubno ka mid ah xafiiskiisa.

Cali Maxamad Cumar oo ah agaasimaha guud ee xafiiska madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay weriyaha VOA ee Jabuuti ayaa sheegay in socdaalka madaxweynaha uu ku saabsan yahay wada-tashi ay la yeelan doonaan madaxda dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Jabuuti, halkaasi oo uu uga sii gudbi doono magaalada Riyad ee xarunta dalka boqortooyada Saudi Arabia halkaasi oo u ka qayb qaadan doono shirka waddamada Carabta iyo kuwa Laatiin America.

Ramadaan Muuse ayaa wareystay Cali Maxamed Cumar.

Madaxweyne Xasan oo Jooga Jabuuti
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00

XS
SM
MD
LG