Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Gurxan Oo U Dhintay Dhaawacii Soo Garaay


Muqdisho
Muqdisho

Xildhibaanka oo ku dhaawacmay weerarkii saaka lagu qaaday ayaa la geeyey isbitaalka Madiina si halkaasi loogu daaweeyo balse markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa VOA u xaqiijiyey geeriyada xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan.

Xildhibaan Gurxan ayaa la sheegay in xilligii weerarka lagu qaaday uu u soo socday xarunta barlamaanka. Iyadoo kooxdii weerarkasi geysatay ay isla markiiba ka baxsatay goobtii uu falku ka dhacday.

Laammaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin in kooxdaasi gacanta lagu soo dhigay iyo in kale.

XS
SM
MD
LG