Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Oo Dib Loo Dhagax- Dhigay


Ra'iisul wasaare Sharmaarke
Ra'iisul wasaare Sharmaarke

Xafladda dhagax-dhigga ee dib u dhiska safaaradda ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Sharmarke . madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ganacsatada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

Ra’iisul wasaare Sharmarka ayaa mahad ballaaran u soo jeediyey mas’uuliyiintii iyo dadkii gacanta weyn ka qaatay dib u soo celinta dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo sheegay in xukumaddiisu ay wado dadaallo badan oo dib loogu dhisayo safaaraddiihii ay Soomaaliya ku leedahay caalamka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa bulshada Soomaaliyeed ku booriyey in door ka qaataan dib u dhiska safaaradda oo uu sheegay in lacag badan ay ku bixi doono.

Dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa gacanta dowladda Soomaaliya ugu soo laabtay sanadkii 2010-kii kaddib dacwad dheer oo lala galay nin Hindi ah oo dhulkaasi iibsaday billowgii sagaashameeyihii.

XS
SM
MD
LG