Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ajaaniib Maxkamad lagu Soo Taagay Xamar


Muqdisho
Muqdisho

Dadkan oo 22 qof ahaa ayaa waxaa lagu eedeeyey inay dal ku gal la'aan joogeen dalka, islamarkaana aysan haysan ruqsad ay uga shaqeystaan Soomaaliya.

Dad ajnabi ah oo lagu eedeynayo inay si sharci darro ku joogeen dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta maxkamad lagu soo taagay magaalada Muqdisho.

Dadkan oo 22 qof ahaa ayaa waxaa lagu maxkamadeeyey saldhig ay ciidamada booliiska ku lee yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa sheegay in dadkan oo markii hore Soomaaliya kusoo galay dalka ku gal ay ka dhaceen fiisooyinkii ay dalka ku joogeen, balse ay weli kasii shaqeynayeen magaalada Muqdisho.

Dr. Maxamed Xasan Nuur waxa kale oo uu ku eedeeyey dadkan inaysan haysan wax ruqsad ah oo ay uga shaqeeyaan gudaha dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maaxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, ayaa sheegay in maxkamadda ay dadkan ku ridday xukun isugu jiray ganaax lacageed iyo inay si deg deg ah dalka uga baxaan.

Weriyaha VOA ee Muqdisho Seynab Abuukar ayaa warbixintan kasoo dirtay magaalada Muqdisho.

Ajaaniib lagu maxkamadeeyey Xamar
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

XS
SM
MD
LG