Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Xooggan oo Saakay ka Dhacay Bakool


Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka salaadii sibax ka dib ka dhacay deegaanada Garas-weyne iyo Moora-Gaabey oo ku dhow degmada Xudur ee xarunta gobolka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ku bilowday weerar ay ku qaadeen maleershiyada ururka al-shabab Fariisimo ay ku sugnaayeen

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Ethiopia.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlayay qaraxyo waaweyn iyo rasaas xooggan oo socotay muddo ka badan saacad.

Saraakiisha dowladda ee gobolka ayaa sheegtay in ilaa iyo dhowr iyo konton qof ay kaga dileen maleeshiyadii Al-shaab ee weerarka ku soo qaaday labaatameeyana ay kaga dhaawaceen.

Aaden Cabdi Abaareey, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Xudur ayaa VOAda u sheegay in dhinaca ciidamada dowladda uu dagaaladaasi kaga dhintay hal askari 4 kalena ay kaga dhaawacmeen.

Ma jirto cid madax abaan oo xaqiijineysa sheegashada saraakiisha dowladda

XS
SM
MD
LG