Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir Iska Casilay Xukuumadda Siilaanyo


Wasiirka waxabasrahda iyo tacliinta sare ee Somaliland waxa uu sheegay in hankiisa siyaasadded uu yahay inuu isku sharxo madaxweyne ku xigeen.

Wasiirkii wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Somaliland.

Geedoole ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in hankiisa siyaasadeed uu yahay inuu isku sharxo xilka madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye.

Shalay ayay ahayd markii wasiiro dhowr ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ay isku casileen sababo ay ku sheegeen in madaxweynaha uu u kala eexday xubnaha xisbiga ee ku loolamaya hoggaanka xisbigaas.

Si kastaba Geedoole, waxa uu sheegay inuusan wax dhibaato ah tirsaneyn, oo aysan jirin cid kala hadashay iscasilaaddiisa, balse uu iskiis u doortay.

Weriyaha VOA Barkhad Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Hargeysa.

Wasiir iska casilay xukuumadda Siilaanyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:21 0:00

XS
SM
MD
LG