Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Maxaabiis Xabsiga Laga Daayey


Maxaabiistan oo gaarayey toban ayaa waxa ay ku eedeysnaayeen inay xiriir la lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, dambigaas oo maxkamadda ay Boosaaso ay ku weysay.

Makamada ciidamada gobolladda Bari iyo Sanaag ee Puntland ayaa maanta sii daysay 10 maxabuus oo horay ugu xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso iyagoo aan maxkamadi xukumin.

Siddeed ka mid ah maxaabiistan ayaa waxa ay ku eedeysnaayeen inay xiriir la lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, halka laba kalena ay ahaayeen ilaalada madaxtooyada gobolka Bari.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag Col. Cabfifataax Xaaji Aadan, ayaa sheegay in maxkamaddan ay dib ugu soo celisay dadkan xorriyadooda kadib markii wax dambi ah lagu waayey.

Qaar ka mid ah maxaabiistan oo VOA la hadlay ayaa sheegay in caddaaladda ay u hiilisay, oo ay caddeysay inaysan wax xiriir la lahayn Al-Shabaab

Wariyaha VOA, Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintaan nooga soo dirtay magalada Boosaaso

Dhageyso: Maxaabiis laga sii daayey xabsiga Boosaaso
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:40 0:00

XS
SM
MD
LG