Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Norway: Soomaali Guriggoodii La Gubay


Sê Kes bi Gumana Terorê li Norwêc Hatin Desteser Kirin
Sê Kes bi Gumana Terorê li Norwêc Hatin Desteser Kirin

Wararka ka imanaya magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa sheegaya in xaley magaaladda Ulstein ee dalkaasi lagu gubey guri ay degan yihiin qoys Soomaaliyeed iyadoo booliska dalka Norway-na uu sheegay in ay baarayaan dhacdadaasi.

Guriga ayaa waxaa ku nool 12 qof oo Soomaali ah oo 6 ka mid ah ay ahaayeen carruur.

Waxaa bannaanka guriga laga helay caagad baasiin laga daadiyey oo loo maleynayo in loo adeegsaday gubitaanka guriga.

Booliiska ayaa xaqiijiyey inaysan jirin cid ka mid ah qoyskaas Soomaalida ah, oo ay waxyeello ay kasoo gaartay dhacdadan, islamarkaana ay baarayaan dhacda.

Lama garanayo sababta loo gubay guriga qoyskan Soomaalida ah, balse waxaa loo badinayaa inay qeyb ka tahay isir naceybka ka dhanka ah dadka soo galootiga ee kusii kordhaya dalalka reer galbeedka.

Wariyaha VOA ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa la xiriiray Cumar Cabdi Affey oo ah saxafi madax-banaan oo degan magaalada Oslo, waxaana ugu horrayn uu waydiiyay sida ay wax u dhaceen.

Dhageyso: Soomaali gurigoodii la gubay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:03 0:00

XS
SM
MD
LG