Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muungaab Oo Xilka Laga Qaaday Maanta


Xasan Muungaab
Xasan Muungaab

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu Muungaab ku beddelay nin lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, sidoo kalena ahaa duqa magaalada Muqdisho Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab).

Afhayeenka madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa VOA u xaqiijiyey xilka qaadista lagu sammeeyey Muungaab.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in xilkaasi uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay mas’uul magaciisa lagu sheegay Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Waxaan illaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn sababta xilka looga qaaday Muungaab.

XS
SM
MD
LG