Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK Oo Go'aan Adag Ka Qaadaneysa Xagjiriinta


Qorshahan ayaa imanaya xilli ay dhallinyaro British ah horey ugu biireen kooxda Daacish ee ka dagaalameysa dalalka Syria iyo Ciraq.

Ra'iisul Wasaaraha Britain, David Cameron ayaa maanta oo isniin ah shaaca ka qaadi doona istaraatijiyad cusub oo looga hortagayo afkaarta jihaadiga ah islamarkaana lagu horjoogsanayo in dhalinyarada British-ka ah ee da’da yar ay u socdaalaan dalka Syria.

Tallaabooyinka muhiimka ah ee qorshaha cusub ayaa u jidaynaya waalidiintu in ay caruurtooda ka qaadi karaan baasaboorada , gaar ahaan kuwa da’doodu ay tahay 16 iyo 17 sano jirka iyo in kuwa lagu xukumay argagixisada ama xag-jirka in ay xiriir la leeyihiin aan loo ogolaan doonin in ay qabtaan shaqooyinka caruurta iyo dadka nugul.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa lagu wadaa in maanta uu faah faahin ka bixiyo dhibaatada ay afkaarta xagjirku ku hayso dalkan Britain iyo sida loogu baahan yahay in meel qura looga soo wada jeesto la dagaalanka xagjirnimada iyo ilaalinta qiimaha ama qiyamka dalka Britain.

Qorshahan cusub ee Britain ay kula dagaalamayso afkaarta xagjirnimo ee dalka gudihiisa waxaa ay calaamad u atahy dagaalka xoogan ee lagula jiro afkaarta sumaysan ee kooxahaasi.

Booliska ayaa sheegay in ay fashiliyeen weeraro dhowr ah oo xagjiriintu ay damacsanaayeen in ay ka fuliyaan dalkan Britain -- halka boqolaal u dhashay dalkan Britain ay u safreen dalalka syria iyo Ciraaq si ay ugu biiraan Kooxda Islamic State, waxaana arrimahani ay muujiyeen in Britain ay u baahan tahay in ay sii xoojiso dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.

Wiil 15-sano jir ah oo ah qofka ugu da’ada yare ee ku lug yeesha argagixisanimo ayaa horaantii bishan lagu xukumay 5 sano oo xarig ah isagoo gacmaha kula jira falal argagixisanimo ah. David Cameron ayaa ku dhawaaqi doona in argagixisadu ay tahay khatarta ugu weyn ee ku wajahan bulshada dalkan.

Xafiiska Downing Street ee Ra’iisul Wasaare David Cameron oo soo xiganayay booliska ayaa sheegay in ay jiraan 338 qof oo loo xiray ku lug lahaanshaha falal argagixiso sanadkii tagay, 157 qof oo kamid ah ayaa lagu xiriiriyay in ay ku lug lahaayeen dalka Syria, 56 kamid ah dadkaasi waxaa da’doodu ay ka yartahay 20 sano.

Qorshahan waxaa uu xooga saari doonaa in waalidka ka joojin karaan ubadkooda baasaboorada, iyo maxkamad gaar ah oo dacwadda ku qaada dadka da’doodu ay ka yartahay 16 sano jirka.

Qorshahan cusub waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo dhowaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Britain in lacag dhan 7.7 Million oo dollar lagu bixinayo sidii xidida loogu siibi lahaa xagjirnimada iyadoo ololahanna ay qayb ka yihiin jaaliyadaha dalka.

XS
SM
MD
LG