Isku xirrada

Puntland Oo Xirtay 130 Kalluumeysato Ajaanib Ah


Tirada Soomaali ku Dhimatay Dooni Degtay

Tirada Soomaali ku Dhimatay Dooni Degtay

Ciidanka badda ee maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigay doonyo ay ku soo qabqabteen hawlgallo ay dhawaan sameeyeen oo ay wateen dad ajaanib ah oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayey xeebaha Soomaaliya.

Doomahan oo laga leeyahay dalalka Iiraan iyo Yemen ayaa waxaa la sheegay in ay saaraan illaa iyo 130 shaqaale oo u badan ajaanib balse ay ku jiraan dhowr qof oo Soomaaliya oo illaalo u ahaa qaar ka mid ah doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayey xeebaha Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso warbixinta kalluumeysatada sida sharci darrada ah xeebaha Soomaaliyada uga kalluumeysaneyey.

XS
SM
MD
LG