Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Qaraxyadii Turkiga oo Kor u Kacday


Xukuumadda Turkiga ayaa xalay sheegtay in ay kor u kacday tiradii dhimashada ee qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay dibadbax nabadeed oo ka socday magaalada xarunta dalka ee Ankara. Xukuumadda ayaa sheegtay in dhimashadu ay hadda marayso 95 qof, iyada oo ugu yaraan 200 oo kalena ay dhaawacmeen. Maamulka caafimaadka ayaa sheegay in dhimashadu ay sii kordhi karto maalmaha soo socda, maaddaama ay dhaawacyada qaarkood aad u liitaan.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhow albaabka weyn ee goob ay tareenadu istaagaan oo ku taalla degmada Ulus ee magaalada Ankara. Ujeedada ayaa loo malaynayaa in la doonayey in la dilo tiro badan oo ka mid ah dadkii sida nabadda ah u dibadbaxayey. Isu soo baxa ayaa waxa soo qaban qaabiyey ururada shaqaalaha iyo kuwa bulshada.

Goobtii ay weeraradu ka dhaceen ayaa waxa ka jiray buuq iyo jahwareer, halkaas oo ay daadsanaayeen meydadka iyo calanka jaallaha ah ee uu leeyahay Xisbiga Dimqoraadiga ee Kurdiyiinta ee HDP.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in weerarada loo malaynayo in uu ka dambeeyey ama ururka ISIS amaba ururka PKK ee Kurdiga mucaaradka ku ah Turkiga. Hase yeeshee, illaa hadda cidna ma sheegan mas’uuliyadda weeraraadaas.

XS
SM
MD
LG