Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Qaxootiga iyo Muhaajiriinta Yurub Ku Qulqula


Warbixinnada hoos ku jira ee sita wareysiyada ayaa ah warbixinno aannu kaga hadlayno dhibaatooyinka soo wajaha qaxootiga iyo muhaajiriinta ku sii qulqulaya qaaradda Yurub.

Warbixinnada ayaa ah kuwo laga wareystay uuna soo dirtay Cabdicasiis Xuseen Cismaan oo ka mid ah weriyeyaal ka socda VOA ee safar shaqo ku maraya dalalka ku yaalla qaaradda Yurub.

Weriyeyaasha VOA ayaa safar dheer oo ay ku marayaan dalal ku yaalla qaaradda Yurub ugu kuurgalaya xaaladda rasmi ah ee ay hadda ku sugan yihiin qaxootiga iyo muhaajirinta Yurub soo gaaray iyo silicii ay soo mareen intii ay ku soo jireen safarkii halista ahaa.

Muhaajiriin 650 Ah Oo Gaaray Talyaaniga

Dalka Talyaaniga waxaa maalmihii ugu dambeeyey gaaray muhaajiriin cusub oo ka soo gudbay badda u dhaxaysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya Haddaba Maxamed Cabdi Sandheere ayaa weriyaheenna Cabdicasiis Xuseen Cusmaan oo hadda ku sugan magaalada Kataanaya ee koonfurta Talyaaniga weydiiyey haddii ay jiraan dad cusub oo xeebaha talyaaniga soo gaaraya.

Muhaajiriintan ayaa u badan kuwo ka yimid dalka Eratariya.

MUHAAJIRIIN 650 AH OO GAARAY TALYAANIGA
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:02 0:00

Muhaajiriin 520 Ah Oo La Soo Badbaadiyey

Muhaajiriin 520 ah oo ka yimid dalalka ka hooseeya saxaraha ayaa laga soo badbaadiyey badda Mediterranean, kuwaasoo la keenay dalka Talyaaniga.

Caasho Ibraahim Aadan (Caasho-Cuud) ayaa Cabdicasiis Xuseen Cismaan oo ku sugan dekadda Buzalo koonfurta dalka Talyaaniga oo ah halka la keenay Muhaajiriinta la soo badbaadiyey.

MUHAAJIRIIN 520 AH OO TALYAANIGA GAARAY
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00

Muhaajiriin Cusub Oo Ah 1400 Oo Gaaray Talyaaniga

Waxaa dalka Talyaaniga gaaray 1400 muhaajiriin cusub oo ay ku jiraan 90 Soomaali ah oo 26 ka mid ah ay yihiin dumar kuwaasoo intii ay ku jireen safarkooda ay doonidii ay la socodeen ay ku jabtay gudaha badda taasoo halis gelisay nafsadooda

Haddaba Sahra Cabdi Axmed ayaa muhaajiriintiisa cusub ka wareystay Cabdicasiis Xuseen Cismaan oo ka mid ah weriyeyaal ka socda VOA ee safar shaqo ku maraya dalalka ku yaalla qaaradda Yurub.

MUHAAJIRIIN 1400 OO GAARAY TALYAANIGA
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:32 0:00

Muhaajiriin 239 Ah Oo Gaaray Talyaaniga

Muhaajiriin gaaray 239 oo u dhashay dalka Eratariya ayaa gaaray dalka Talyaaniga kuwaasoo ka soo gudbay badda u dhaxaysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga muhaajiriintan ayaa soo gaaray dekeda Messina

Haddaba Falastiin Axmed Iimaan ayaa muhaajiriintaasi timid ka wareystay Cabdicasiis Xuseen Cismaan oo ka mid ah weriyeyaal ka socda VOA ee safar shaqo ku maraya dalalka ku yaalla qaaradda Yurub.

MUHAAJIRIIN 239 AH OO GAARAY TALYAANIGA
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:33 0:00

Talyaaniga Oo Muhaajiriin Ku Wareejiyey Sweden

Dowladda Talyaaniga ayaa markii ugu horresay qaxooti Eratariyaan ah oo dalkeeda soo galay ku dirtay dalka Sweden, tallaaban ayaa waxa ay qeyb ka tahay qorshe ay dalalka Midowga Yurub ku heshiiyeen oo ay ku qeybsanayaan qaxootiga ku sugan dalalka Giriiga iyo Talyaaniga.

Cabdicasiis Xuseen Cismaan ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

WARBIXINTAN MUHAAJIRIINTA SWEDEN LAGU WAREEJIYEY
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:39 0:00

XS
SM
MD
LG