Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Sheegatay Weerarkii Cadan


Ururka ISIS ayaa sheegtay mas’uuliiyadda weeraro is xig-xiga oo lala beegsaday xarumo dawladda Yemen ay leedahay iyo goobo uu leeyahay isbahaysiga uu dalka Sucuudigu hogaamiyo oo ku yaalla magaalada Cadan ee dalkaasi Yemen.

War uu ururku soo dhigay barta internetka ayuu ku sheegtay inuu qaaday afar weerar oo ismaadiimin ah. Ururka ayaa sheegay in bartilmaameedkiisii uu haleeley, hase yeeshee war kaas ka duwan ayaa waxa soo saaray saraakiil sheegay in weerarku uu ahaa gantaalo uu soo tuuray ururka uu dalka Iran taageero ee Xuutiyiintu.

Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in weerarka oo Talaaladadii shalay ka dhacay magaalada Cadan ay ku dhinteen 15 askari oo ay ku jireen ciidamo ka socda dalka Yemen iyo xubno ka mid ah isbahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo.

Weerar kaas ka duwan ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 6 qof, ka dib markii qarax uu ka dhacay meel u dhow masjid ku yaalla magaalada Sanca ee xarunta dalkaas.

XS
SM
MD
LG