Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay In Ay U Safraan Soomaliya


The flag
The flag

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya, maadaama weli amnigu yahay mid khatar ah, Mareykankuna uusan safaarad ku lahayn.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegtay dadkeeda, haddii ay Soomaaliya tagaan inaysan heli karin caawinaaddii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, maadaama aanay jirin safaarad uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya oo dadkaasi kala talisa dhinaca safarrada.

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya uusan ahayn mid xasillan maadama ay weli weerarro soo qaadayaan ururrada argagixisada ayna damacsan yihiin in ay afduubaan ama ay dilaan dadka ajnabiga ah ee taga Soomaaliya, taasoo ay tilmaameen inay halis toos ah ku tahay muwaadiniinta Mareykanka.

Dhanka kale, waaxda arrimaha dibadda Marekanka ayaa ku boorisay maraakiibta caalamiga ah in aysan ku safrin biyaha Soomaaliya, iyadoo aanay la socon maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee u jooga biyaha Soomaaliya si ay uga hor-tagaan halista burcad badeedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkii hore ee 2014-kii digniin tan la mid ah ka soo saaray amniga dalka Soomaaliya ugana digay muwaadiniintiisa in ay ku safraan Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG