Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Calanka Falastiin oo Laga Taagay QM


Calanka Falastiin ayaa Arbacadii QM laga Taagay. Madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa halkaasi ka sheegay in Falastiin aanay u hogaansameynin heshiiskii Oslo ee ay Israel la galeen.

Mr. Cabbaas ayaa dawladda Yuhuudda ku eedeeyey inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin, iyada oo deegaano cusub ka sameynaysa Daanta Galbeed iyo Bariga magaalada Qudus. Waa digniintii ugu adkeyd ee ku saabsan inuu soo af jarayo wadashaqeynta Israel, hase yeeshee waxba kama uuna sheegin wadashaqeyntii xoogagga amniga ee Falastiin iyo ciidanka Israel ee Daanta Galbeed, kaas oo ay kaga hortagi jireen cadowga ay ka mideysan yihiin ee Xamaas.

Hadalka Cabbaas ayaa keenay falcelin degdeg ah oo ka timid Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Mr. Natenyahu ayaa sheegya in hadalka Cabbaas, sida uu hadalka u dhigay, uu ahaa hadal “khayaamo leh, isla markaana dhiiri galinaya wax kicin iyo burbur Bariga Dhexe ka dhaca.”

XS
SM
MD
LG