Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kualnka Soomaaliya ee New York


Magaalada New York waxaa maanta ka furmaya shir u gaar ah Soomaaliya oo ay shir guddoominayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo XGQM Ban ki Moon.

Magaalada New York waxaa maanta ka furmay shirweynaha golaha Guud ee QM, oo ay ka qeybgalayaan inta badan madaxda caalamka.

Shirkan madaxda ka hadashay ilaa hadda waxaa ku jira xoghyaha guud ee QM Ban ki Moon iyo madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Dhinaca kale, waxaa galabta xarunta New York ka dhici doona shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ay wada shir guddoomin doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron, oo maanta sheegay in ciidamo uu u dirayo Soomaaliya.

Weriyaha VOA-da Maxamed Colaad oo ku sugan New York, ayaan ka warreysannay arrimahan.

Warbixinta Colaad
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

XS
SM
MD
LG