Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mileteriga Burkina Faso oo Galay Ouagadougou


Milatariga dalka Burkina Faso ayaa maanta oo Talaada ah galay caasimadda Ouagadougou, si ay wada xaajood uga galaan sidii uu isu soo dhiibi lahaa Jeneralkii hogaaminayay afgambigii dhawaan dalkaasi ka dhacay, iyadoo dhinaca kale safiirka Faransiiska ee dalkaasi uu sheegay in madaxweynihii ku meel gaarka ahaa Michel Kafando la sii daayay.

War qoraal ah oo ka soo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay caasimadda u soo galeen si ay isugu dayaan in xukunka lagu soo celiyo gacanta dowladda rayidka ah iyadoo aanu dhiig ku daadan.

Isniintii shalayna, hogaamiyhii Afgambiga Jeneral Gilbert Diendere ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu ka degayo xukunka uu xoogga ku qabsaday Arbacadii la soo dhaafay, isagoo raaligelin ka bixiyay.

Wuxuu u sheegay VOA in xukunka uu ku wareejinayo xukumad rayid ah, si uu uga fogaado dhiig ku daata.

Go’aankan ayuu ku dhawaaqay ka dib markii uu soo dhammaaday wada hadal ay dhex dhexaad ka ahaayeen ururka ay ku bahoobeen dalalka galbeedka Africa ee ECOWAS.

Dalalka ECOWAS ayaa shir madaxeed deg deg ah ku leh caasimadda Nigeria maanta oo Talaada ah kuwaas oo ka hadlaya xaaladda Burkina Faso.

XS
SM
MD
LG