Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobbo Laga Soo Saaray Shirkii Wada-tashiga


shirka wadatashiga
shirka wadatashiga

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegay in Madaxda dawladda Federaalka iyo mamul goboleedyada ay heshiis ka gaareen qodobbadii xasaasiga ah ee laga wada hadlayey.

War aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in lagu heshiiyey samaynt madal wadatashi oo ka kooban dawladda Federaalka, maamul goboleedyada, bulshada rayidka iyo baarlamaanka oo qaban doonaa wadatashi ku saabsan sidii loo diyaarin lahaa hannaan doorasho sannadka 2016-ka.

Waxaa wararka aanu helney sheegayaan in lagu heshiisyey in madasha wadatahsiga ay shirkooda ugu horreeya yeeshaan bartamaha bisha soo socota ee October.

Heshiiska waxaa kaloo ku jirta in bisha Jannaayo ee sanandka soo socota lagu dhowaaqo hannaanka loo soo dooranayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.

Sida muuqatana, waxuu qodobkaasi muujinayaa in aan waqtiga loo kordhin baarlamaanka iyo xukuumadda hadda jirta ee waqtigooda ku eg yahay dhammaadka sanadka soo socda.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u ambabaxay Imaaraadka Carabta, si uu halkaasi uga qeyb galo aaska Sheekh Rashiid, oo ah wiilka curudka u ahaa amiirka Imaaradka Sheekh Maxamed bin Rashiid.

Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliyda Md. Shariif Xasan Sheekh Aaden, ayaa isaguna u ambabaxay waddanka Sacuudiga, halkaas oo wararka qaar ay sheegayan in uu ku soo gudanayo waajibaadka Xajka.

XS
SM
MD
LG