Dalka Austria ayaa sheegay in uu qaabilay 3,000 oo muhaajiriin ah oo dalkiisa soo gaalay shalay kuwasoo dalkaasi ka soo galay labo dhinac oo kala duwan
Qiyaastii 15,000 oo muhaajiriin ah ayaa dalka Austria ka soo galay xuduudka uu la wadaago dalka Hungary kuwaasoo lug ku yimid magaalada Nickelsdorf oo ku taalla xuduudka ku dhaceeya dalalka Austria iyo Hungary.
Muhaajiriinta ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey booliska dalka Austria iyo saraakiil ka socota hay’adda laan-qeybta cas kuwaasoo markii dambe lagu soo qaaday basas si loo keeno magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria.
Dhinaca kale magaalada kale ee Heiligenkreus ee dalka Austria ayaa lagu soo warramayaa in ay 16,000 muhaajiriin ah ay magaaladaasi soo gaareen kuwaasoo halkaasi ay dowladda Hungary ku keentay basas.