Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadallo Ka Socda Burkina Faso


Madaxweyneyaasha dalalka Benin iyo Senegal, Thomas Boni Yayi iyo Macky Sal oo hoggaaminaya mas’uuliyiinta wada wadahallada xalka lagu raadinayo ayaa wadahadal la yeeshay jeneraal Gilbert Diendere oo awoodda dalkaasi si xoogga ah ku qabsaday khamiistii hal maalin kaddib marii la afduubay madaxweyne Michel Kafando iyo wasiiraddiisii.

Afgembiga ka dhacay dalka Burkina Faso ayaa dhaliyey dibad-baxyo ka dhacay caaasimadda dalkaasi kuwaasoo horseeday dhimashada 10 qof iyo dhaawac 100 qof.

Xukuumadddii madaxweynaha xilka laga tuuray Michel Kafando ayaa xukunka la wareegay kaddib markii madaxweynihii hore ee dalkaasi Blaise Compare uu bishii October ee sanadkii hore culeys soo wajahay dariistii xilka uga tagay iyadoo qorshuhu ahaa in 11 bisha soo socota ee October la qabo doono lagu soo dooran doono dowlada bedesha ta ku meel gaarka ah.

Afgemiga ka dhacay dalka Burkina Faso ayaa waxaa cambaareeyey Mareykanka, Faransiiska oo horay dalkaasi u guumeysan jiray iyo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika oo xubinnimadii dalka Burkina Faso ka xayuubiyey xubintii uu ka ahaa ururka.

XS
SM
MD
LG