Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: Al-Assad Wadahadal Xilka ha kaga Dego


Kerry ayaa hadalkan ka sheegay magaalada London oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Britain Philip Hammond. Kerry ayaa Ruushka iyo Iran ku booriyey inay adeegsadaan raadka ay Suuriya ku leeyihiin si ay madaxweyne Al-asad ugu qanciyaan inuu wadahadal galo.

Dhinaca kalena, ururka dusha kala socda arrimaha Suuriya ee fadhigiisu yahay magaalada London ayaa sheegay in dagaalyahaniinta Ismaalimiyiinta ahi ay dileen 56 ka mid ah xoogaga dawladda Suuriya, iyaga oo ku dilay gobolka Idlib ee woqooyi galbeed ee dalka. Ururka ayaa Sabtidii shalay sheegay in xubnaha la dilay lagu qisaasay saldhigga militariga ee Abu Duhur.

XS
SM
MD
LG