Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bashar Al-Asad Oo Eedeeyey Reer Galbeedka


Assad ayaa sheegay in dalalka reer-galbeedku ay taageereen argagixisada tan iyo markii uu billowday dagaalka ka socoda dalka Siiriya, kaasoo ku billowday bannaan-bax nabaddoon oo dalkaasi ka dhacay bishii March ee sanadkii 2011-kii, kaddibna ay saraakiisha dowladdu gacan bir ah kula dhaqmeen dadkii sameeyey dibad-baxa.

Madaxweyne Assad oo la hadlayey warbaahinta dalka Ruushka ayaa diiday in dowladdiisu ay mas’uul ka tahay sababta keentay in qaxooti badan oo Siiriyaan ah ay ku sii qulqulaan qaaradda Yurub.

Assad ayaa sheegay in eedeynta xukuumaddiisa loo soo jeediyey ay qeyb ka tahay dacaayadda reer-galbeedku ay wadaan, dabacsanaanta ay hadda u muujinayaan qaxootiga Siiriyana ay tahay madaamada ay iyagu markii hore sabaabeen in ay nafsadoodu halis gasho.

XS
SM
MD
LG