Isku xirrada

India: Milkiilaha Bakhaar Ay dad Ku Dhinteen oo la Raadinayo


Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in ay raadinayaan qof la tuhunsan yahay oo la sheegay in yahay milkiilaha bakhaar u keydiyey waxyaabaha qarxa oo uu u haystay si sharci darro ah, kaaso qarax ka dhacay ay ku dhinteen 88 qof 100 kalana ay ku dhaawacmeen.

Booliska ayaa sheegay maantoo Axad ah ay raadinayaan Rajendra Kaswa, oo ay saraakiishu sheegeen in uu baxsaday, kaddib markii ay bakhaarkiisa oo u yaalla gobolka Madhya Pradesh oo uu ku keydiyey walxa qarxa ay masiibo ka dhalatay.

Booliska ayaa shalay sheegay in ay u maleynayaaan in qarax uu ka dhashay dhululobo gaaska lagu keydiyo oo qaraxday balse hadda oggaaday in qaraxaasi uu ka dhashay bakhaar uu leeyahay ninka la raadiyo oo uu ku keydiyey walxa qaraxa oo uu u haystay si sharci darro ah.

XS
SM
MD
LG