Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain iyo France Oo Aqbalaya Muhaajiriinta


Dalalka France iyo Britain ayaa sheegay in kumanaan qaxooti ah oo ka yimid dalalka dagaalladu ka socdaan ee bariga dhexe loo oggolaan doono in ay yimaadaan dalalkooda.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in dalkiisu uu qaabili doono 24,000 kun qaxooti ah labada sano ee soo socda.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron, ayaa waxa uu sheegay in dalkiisu uu qaabili doono 20,000 oo qaxooti Siiriyaan ah oo ku jira xerooyin ku yaalla dalalka Turkiga, Jordan iyo Siiriya shanta sano ee soo socota.

Cameroon, waxa uu sheegay in ahmiyad gaar ah la siin doono carruurta iyo haweenka.

Dalka Jarmalka ayaa sheegay in uu aqbali doono 800,000 oo kun oo qaxooti ah oo inta badan ah kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo saboolnimada ka jirta dalalka ay ka soo jeedaan.

XS
SM
MD
LG