Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin Badan Oo Gaaray Dalalka Austria Iyo Jarmalka


Inta badan muhaajiriintan ayaa doorbidaya in ay magan-geliyo ka raadsadaan dalka Jarmalka, waxaana la filayaa in 8,000 oo muhaajiriin ah ay nuska dambe ee maanta gaaraan Jarmalka.

Saraakiisha dalka ayaa sheegay in Jarmalku uu aqbali doono illaa iyo 800,000 oo kun oo muhaajiriin magan-geliyo doona ah inta lagu jiro sanadkan.

Muhaajiriintan ayaa shalay ka soo tagay dalka Hungary kuwaasoo ku soo safray basas, tareen iyo lug, iyadoo inta badan muhaajiriintani ay yihiin kuwo soo maray dalka Hungary.

Midowga Yurub ayaa ku kala qeybsamay tirada badan ee muhaajiriinta ee aan horay loo arkin ee ku qulqulaya qaarada Yurub.

Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda Federica Mogherini ayaa ka digay muhaajiriinta ku qulqulaya Yurub, iyadoo ugu baaqday baaqay Midowga Yurub in uu la yimaado go’aan waxtar ah oo arrintaasi looga jawaab bixiyo.

XS
SM
MD
LG