Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Austria oo Xadka u Furtay Muhaajiriinta


Muhaajiriin saaran bus u qaadaya dhinaca Austria
Muhaajiriin saaran bus u qaadaya dhinaca Austria

Dowladda Austria ayaa sheegtay inay Germany ku heshiiyeen inay xadka u furaan muhaajiriinta ka imanaya dalka Hungary.

Werner Faymann, hoggaamiyaha Austria ayaa war saxaafadeed uu soo saaray go'aankan ku sheegay.

Boqollaal muhaajiriin ah oo ku sugan gudaha Hungary ayaa bilaabay inay u lugeeyaan dhinaca xadka Austria.

Muhaajiriin ku sugnaan xarunta tareennada magaalada Budapest iyo kuwo kale oo lugeynaya ayay xukuumadda Hungary waxay u dirtay baabuur basas ah oo u qaada dhinaca xadka Austria.

Ururka laanqeyrta cas Austria ayaa sheegay inay filayaa in 800 ilaa 1,500 oo qaxooti ah ay xadka ka soo galaan saacado gudahood.

XS
SM
MD
LG