Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bosco Ntaganda oo Lasoo Taagay ICC


Dambiyada ay maxkamadda Hague kusoo oogtay Bosco, waxaa ka mid ah dilka dadka rayidka ah iyo kufsi. Wednesday, Sept. 2, 2015.
Dambiyada ay maxkamadda Hague kusoo oogtay Bosco, waxaa ka mid ah dilka dadka rayidka ah iyo kufsi. Wednesday, Sept. 2, 2015.

Bosco Ntaganda, oo ka mid ah aas aasayaasha falaagadda M23, ayaa beeniyay 18 dacwadood oo lagu soo oogay, oo ay ku jiraan dambiyo dagaal, weeraro dad rayid ah loo geystay, kufsi iyo adoonsi dhinaca jinsiga ah.

Hogaamiyihii hore ee falaagada Congo ee loo yaqaan "The Terminator" ayaa maanta oo Arbca ah dacwad ay ku qaaday maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee Hague.

Bosco Ntaganda, oo ka mid ah aas aasayaasha falaagadda M23, ayaa beeniyay 18 dacwadood oo lagu soo oogay, oo ay ku jiraan dambiyo dagaal, weeraro dad rayid ah loo geystay, kufsi, adoonsi dhinaca jinsiga ah, askareynta caruur yar yar iyo shan dacwadood oo kale oo dhinaca bani aadnimada ah.

Maxkamadda ICC ayaa sheegtay in Ntaganda oo 41 sana jir ah uu ku eedeysanyahay dambiyo ka dhacay tuulooyin ku yaala gudaha Congo intii u dhaxysay sanadihii 2002dii iyo 2003dii.

Maleeshiyadiisa ayaa sidoo kale ku eedeysan weeraro lagu bartilmameedsanayay qowmiyadaha Lendu, Bira, iyo Nande intii ay socotay colaaddii sokeeye ee degmada Ituri ee waqoyiga bari Jamhuuriyadda Dimuquraadigga ee Congo.

XS
SM
MD
LG