Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yurub: Dad loo Xiray Geerida Muhaajiriinta


Booliiska dalka Austria ayaa Sabtidii soo saaray saddex caruur ah oo fuuq baxay, kuwaas oo ku jiray gaari van ah oo ay si ciriir ah ula saarnaayeen 26 qof oo u kala dashay Suuriya iyo dalalka ku yaalla gobolka koonfurbari Asia. Arrintan ayaa ka dhacday meel u dhow xadka dalka Jarmalka. Yurub ayaa waxay la kulmaysaa dhibaatooyin dhinaca bani’aadminimada ah oo aad u daran, kuwaas oo ay la kulantay ilaa dagaalkii labaad ee adduunka.

Dhinaca kale, afar nin uu lagu humay inay ku lug lahaayeen dhimashada 71 muhaajir oo Khamiistii laga helay gaari xamuul ah oo ku socdaalayey dhalka Austria gudihiisa ayaa waxa lagu hayaa maxkamad ku taalla dalka Hungry.

Sidoo kale, Sabtidii shalay, maamulka dalka Libya ayaa sheegay in saddex qof loo xiray iyada oo lagaga shakiyey inay direen dooni ay ka buuxeen dad muhaajiriin ah, taas oo Khamiistii ku degtay xeebaha badda Mediterranean-ka ee dalka Talyaaniga. Sarakiisha ayaa sheegay in ilaa 200 oo qof ay hafteen.

XS
SM
MD
LG