Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin 4,400 ah oo la Badbaadiyey


Dowladda Talyaaniga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ka waday xeebaha Liibiya hawlgallo lagu badbaadinayo muhaajiriinta naftood ku soo biimeynaya badda Mediterranean balse sheegay in hawlgalkii badbaadinta ee ciidanku uu sameeyey shalay uu ahaa kii ugu weynaa in muddo ah.

Sanadkan 2015 ka ayaa in ka badan 100,000 kun oo muhaajiriin ah ay naftood ku soo biimeeyeen badda Mediterranean kuwaasoo soo gaaray dalka Talyaaniga soona maray safar watay silic iyo saxariir badan.

Sidoo kale isla sanadkan ayaa muhaajiriin ka badan 2,300 ay ku geeriyoodeen badda Mediterranean xilli ay doonayeen in soo tiigsadaan qaaradda Yurub balse naftood ku waayey.

XS
SM
MD
LG