Isku xirrada

War Deg-Deg ah

14 Qof oo ku Dhintay Qaraxa Kismaayo


Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay 30 kalena wey ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo saaka lala beegsaday xero lagu tababaro ciidamada Dowladda Somalia ee maamulka Jubba oo ku taala magaalada Kismayo.

Qof wata gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa weeraray xerada tababarka ciidamada ee Kismaayo.

Warar ku dhow dhow halka uu weerarka ka dhacay ayaa sheegaya in laba ka mid ah tababarayaasha Ciidamada Amisom oo xeradaa ku sugnaa ay ka mid ahaayeen dadka weerarka ku dhintay.

Warar kale oo laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qof weerarkan geystay uu ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubba.

Barta Twitterka ee Amisom ayaa lagu soo qoray in sadex ka mid ah tababarayaashooda ay ku dhaawacmeen weerarka.

Xerada ayaa horey u aheyd Jaamacaddii Kismayo, ka hor inta aysan noqon saldhig ciidamada lagu tababaro.

Qaraxa Kismaayo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:44 0:00

XS
SM
MD
LG