Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Burundi oo degdeg loo dhaariyey


Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza
Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza

Xafiiska madaxweynaha, ayaa maanta ku dhawaaqay munaasabaddan deg deg degga ah.

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, oo la doortay markiisii seddexaad, ayaa maanta oo Khamiis ah la dhaariyay si lama filaan ah, taas oo ka dhigan in laga soo hor mariyay lix beri waqtigii markii hore loo qorsheeyay in ay dhaarta madaxweynaha dhacdo.

Xafiiska madaxweynaha, ayaa maanta ku dhawaaqay munaasabaddan deg deg degga ah.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza, ayaa la doortay 21 July markiisii seddexaad, iyadoo markii uu sheegay mar kale in uu xilkaasi u tartamayo ay sababtay qalalase siyaasadeed. Mucaaradka dalkaasi, ayaan doorashadaasi ka qeyb galin, iyagoo sheegay in xaaladaha ay doorashadaasi ku dhacesay aysan aheyn mid ku sababeysa inay doorashada u qabsoonto si xur oo xalaal ah iyo inaysan ahayn doorasho dhameystiran.

Markii uu madaxweynuhu ku dhawaaqay bishii April in uu mar kale tartami doono, ayaa arrintaasi waxa ka dhashay isku day afgembi iyo toddobaadyo qalalaase siyaasadeed, taas oo sababtay inay dhintaan in ka badan 100 ruux.

XS
SM
MD
LG