Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burburka Dayuuradii Indonesia oo la Helay


Burburka dayuurad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Indonesia oo ay saaraayeen 54 qof ayaa laga helay gobolka bariga dalkaasi ku yaala ee Papua.

Dayaaradan ayaa burburtay Axaddii shalay xilli ay ku jirtay duulimaad, cimiladuna ay xumeyd.

Dadka ku nool tuulooyin hoos yimaada degmada Bintang ee gobolka Papua ayaa burburka dayuuradan ka helay dhul buuraley ah, sida ay sheegtay wasaaradda gaadiidka ee Indonesia.

Saraakiisha dalka Indonesia oo aan faahfaahin intaasi ka badan bixin ayaa sheegay in weli uu socdo baaritaan lagu xaqiijinayo warkan oo ay dowladda soo gaarsiiyeen dadka deegaanka.

Dowladda Indonesia ayaa sheegtay in halkaasi loo diray goobta ay dayuuradan ku burburtay ee bariga fog ee dalkaas, si maanta oo Isniin ah ay halkaas uga bilaabaan howlo ay ku baadi doonayaan meydadka dadkii ku dhintay dayuurada iyo hadii ay jirto cid ka badbaaday.

Dayuuradan oo ay laheyd shirikadda Trigana Air Flight, duulimaadkeeduna ahaa 267 ayaa raadeerka ka luntay 30 daqiiqi ka dib markii ay ka duushay Axaddii shalay garoonka Santani oo xarun u ah gobolka , Jayapura, iyadoo ku sii jeeday magaalada Oksibil oo 50 daqiiqadood u jirtay.

Rakaab isugu jiray, 44 qof oo waaweyn, shan caruur ah iyo shan shaqaalihii dayuuradda ahaa ayaa saaraa duulimaadkaa.

XS
SM
MD
LG