Isku xirrada

AMISOM Oo Laga Codsaday Siideynta Ibraahim Gaasow


Abaabul Dagaal oo ka Socda Gobolka Gedo

Abaabul Dagaal oo ka Socda Gobolka Gedo

Odayaasha dhaqanka ee magaalada Baardheere ee gobolka Geod ayaa ciidamada AMISOM farac Itoobiya ka codsaday in la soo daayo Ibraahim Isaaq Gaasow oo 16 maalmood ka hor ciidanka AMISOM ay xireen.

Odayaasha ayaa sheegay haddii uusan jirin wax dambi ah oo uu galay in loo baahan yahay in la soo daayo Ibraahim Isaaq Gaasow oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee magaalada Baardheere.

Cabdi Cismaan Cabdi oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Baardheere ayaa sheegay in xarigga mas'uulkaasi ay kala hadleen ciidamada Itoobiya ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.

Cabdi Cismaan Cabdi ayaa sheegay in xilliga la xiray Ibraahim ay xarunta ugu yimaadeen labo qof oo sheegay in ay ku soo wareeji doonaan deeq daawo ah oo loogu deeqay isbitaalka magaalada kaasoo kaddibna xabsigal oo taxaabay.

Hoos ka dhageyso wareysiga oo dhammaystiran.

XS
SM
MD
LG