Isku xirrada

Wasiir Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Baakistaan


shuja khanzada

shuja khanzada

La-taliyaha arrimaha caafimaadka ee gobolka Punjab, Sa’eed Elahi ayaa telefishinka ku hadla codka xukuumadda u sheegay in dadka maanta ku dhintay weerarkaasi uu ku jiro wasirkii gobolka Punjab Shuja Khanzada.

Kooxaha gurmada ayaa sheegay in tirada dhimasho ka badnaan karto inta hadda la ogyahay maadaama ay jiraan dad weli ku hoos jira burburka dhismaha waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi.

Dad goobjoogayaal aha ayaa sheegay in 30 qof ay ku jireen guriga wasiirka geeriyooday oo ku yaalla degmada Attock ee gobolka Waqooyi-galbeed, xilligaasoo qofkas isa soo miidaamiyey oo isku qarxiyey goobta ay wax ku baaraan ilaallada wasiirku.

Wasiirka geeriyooday aya la sheegay in horay loogu soo diray farriimo loogu hanjabayo in la dili doono.

XS
SM
MD
LG